ODM oo dhaliishay shir uu shalay guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka dalka

0
536

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa dhaliil u jeediyay madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay uu Ruto hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay ugu yaraan 135 siyaasiyiin ah oo taageersan.
Mr. Sifuna ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid dareenka shacabka looga weecinayo waxyaabaha wadanka ka taagan.
Waxaa uu xoghayaha guud ee ODM William Ruto ku eedeyay inuu sabab u yahay kala qaybsanaan ka dhex jirto xisbiga talada haya ee Jubilee.
Mr. Sifuna ayaa intaa ku daray in qaabkii uu Ruto u faahfaahiyay qorshaha kobcinta dhaqaale ee xisbiga UDA kaasoo ah in meel hoose laga soo billaabo ay muujinayso inuusan nidaamka uu ku ololeynaya fahansanayn.
Waxaa uu intaa ku daray in ku xigeenka hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka uu iskudayaya in guul darro uu qayb ka yahay uu shakhsiyaad kale ku eedeyo.
Dhanka UDA weli wax jawaab ah oo ku aaddan hadalka Sifuna kama soo bixin.