Jubilee iyo ODM oo dib u billaabay wada-hadallo ku saabsan siyaasadda 2022-ka

0
449

Xisbiyada ODM iyo Jubilee ayaa soo saaray qorshayaal dhowr ah oo ay ku soo dhisayaan isbeheysi siyaasadeed oo awood leh ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Labada dhinac ayaa guddiyo farsamo u magacaabay isku dubaridka wada shaqeynta siyaasadeed ee ay doonayaan inay yeeshaan.
Guddiyadan ayaa ka shaqeyn doono sidii Jubilee iyo ODM ay heshiisyo ku saxiixan lahayeen inta aan la gaarin bisha sideedaad ee sanadka dambe.
Tani iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii waxaa aad isugu dhawaa hoggaamiyaasha xisbiyadan ee kala ah madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Raila Odinga.