Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) ayaa sheegay inay jiraan 320 ah sariiraha lagu seexiyo bukaannada ay xaaladoodu aad u liidato ee qaybaha daryeelka degdegga loona yaqaano ICU-da kuwaasoo aan hadda la adeegsan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha CoG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Embu Martin Wambora.
Waxaa uu xusay in tirada sariiraha yaalla qaybaha ICU-da ee 31 ka mid ah ismaamullada wadanka ay yihiin 512 iyadoo hadda la isticmaalaya 192 tiradan ka mid ah.
Wambora ayaa tilmaamay in tani ay muujinayso inay sare u kacday tirada bukaanka ee u baahan daryeelka degdegga ah.
Sidoo kale ismaamullada Kenya ayaa leh 7,566 oo ah sariiraha gaarka u ah bukaanka uu sameeyay cudurka COVID19.