Banaabax ka dhacay dalka Lubnaan

0
411

Booliiska dalka Lubnaan ayaa waxaa ay sunta dadka ka ilmaysisa u adeegsadeen dibadbaxyaal dalbanayay in lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay xasuuqii qarax ee ka dhacay dekedda Beirut.
Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya inay helaan cadaalad iyagoona rabshado dhigay maanta.
Tan ayaa timid ka dib markii ay hal sano ka soo wareegtay dadkii ku nafwaayay qaraxii ka dhacay Beiruut.
Rabshado xoogan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay meel u dhow baarlamaanka bartamaha Beirut.
Waxaa madaxa isla galay booliiska Lubnaan iyo dibadbaxayaasha oo adeegsanayay dhagaxaan.
Si kastaba ahaate booliska ayaa si adag uga jawaabay banaanbixi ay dhigayeen shacabka Lubnaan.