Mudaneyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda yeeshaan Kulankoodii ugu horreeyay tan iyo Marka la Doortay, iyaga oo ku dooran doona Guddoonka Golaha Wakiilada Soomaliland oo maalmihii la soo dhaafay la sheegay in uu muran xoogan ka taagnaa.
Xildhibaannada golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaay dooran doonaan, Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad, kuwaasoo ay ku tartami doonaan Musharixiin ka kala socda Xisbiyada Mucaaradka iyo muxaafidka.
Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo aad u xiiso badan ayaa waxa ku tartami doona Saddex Xubnood oo ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo isbhayeystay iyo Xisbiga Talada haaya ee Kulmiye, kuwaasoo ku kala tartami doona Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad.
Marka ugu horreeysa Xildhibaannada ayaa cod gacan tag ah waxaay ugu codeyn doonaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland, iyadoo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan labada musharax, waxaana Guddoomiyaha Cusub uu shirka guddoomin doono, si loo ambaqaado doorashada Guddoomiye kuxigeenada 1aad & labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland.
Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland ayaa waxaay sheegayaan in Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ay durba tageen Xarunta Golaha si ay doorashada codeynteeda uga qeyb qaataan.
Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay si gaar ah halka ay ku shiraan Xildhibaannada oo ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana goobjoog ka noqon doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland,Xisbiyada Mucaaradka iyo Madax kale.