Ciidamada ammaanka ee dalka Netherlands ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 150 qof oo ka qayb qaatay dibadbaxyo maalinkii saddexaad wadankaasi ka dhacay.
Dadka mudaharaadka dhigaya ayaa ka soo horjeedo bandow xilliga habeenkii iyo xayiraad dhanka isku socodka ah oo ay dowladdu soo rogtay si loo xakameeyo faafidda caabuqa corona.
Taliyaha guud ee booliska Netherlands Willem Woelders ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tirada dadka ee la xiray oo uu sheegay inay dhallinyaro u badan yihiin.
Ra’iisul wasaare Mark Rutte ayaa dibadbaxyada ku tilmaamay fal dambiyeedyo rabshadeysan halka boolisku ay ku sheegeen mudaharaadyadii ugu darnaa ee la diiwaangeliyo taariikhda Netherlands muddo 40 sano ah.