DHAGEYSO:In ka badan 1000 qoys oo deeq cunno ah loogu qaybiyay Wajeer

0
481

Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya oo kaashanaysa dowladda ismaamulka Wajeer ayaa deeq raashiin ah gaarsiisay in ka badan 1000 ka mid ah qoysaska ku nool dowlad deegaankaasi.
Deeqda ayaa isugu jirtay boosho,digir, salidda cuntada lagu karsado, sabuun iyo cusbo.
Qoysaskan ayaa ka mid ah kuwa ay saameysay abaarta ee galbeedka ismaamulkaasi.
Barasaabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa sheegay in cuntooyinka deeqda ah la gaarsiiyay dadka ugu liita bulshada.
Sidoo kale waxaa uu guddoomiyaha indha-indhayn ku sameeyay ceel biyoodka tuulada Barmil ee deegaan baarlamaneedka galbeedka Wajeer.
Mr. Mukhtaar ayaa xusay in ismaamulka Wajeer ay hadda ka jirto feejignaan ku aaddan abaarta maadaama ay xaaladdu sii xumaanayso.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in saameynta ugu badan ee abaarta ay soo gaartay shacabka deegaanada galbeedka , koonfurta iyo Ceeldaas ee Wajeer.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ismaamulka Wajeer ay adeegsanayso qaab iskaashi oo dhinacyo badan ah si dadweynaha looga fududeeyo culeyska dhanka biyo yarida iyo daaqa isagoo laanqayrta cas uga mahadceliyay taageerada ay shacabka siisay.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqayrta cas ee Kenya Caasha Maxamad ayaa dhankeeda sheegtay in deeqda ay bixiyeen ay qayb ka tahay dadaallo ay ka wadaan ismaamullada kale ee xoolo dhaqatada sida Marsabit, Mandera, Garissa, Kilifi, Tana River, Lamu, Samburu, Turkana, Isiolo, Kitui iyo Laikipia.
Waxay xoolo dhaqatada ugu baaqday inay isku dulqaataan oo ayna qaybsadaan kheyraadka.

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa dhankiisa laga soo xigtay in ismaamulka Wajeer uu ka mid yahay dowlad deegaanada wadanka ee uu daaqa ku yar yahay,xoolaha lagu dhaqdo ayaa jir ahaan liita, sidoo kale waxaa kala fog ilaha biyaha,soo saaridda caanaha xoolaha waa ay hooseysaa halka uu kordhay dhadhaqaaqa ay xoolo dhaqatada ugu wareegayaan deegaanada kale.
NDMA ayaa sheegtay in ismaamullada oomanaha ee loo yaqaano ASALs intooda badan ay heleen wax ka yar boqolkiiba 50 ee roobabka.
Marka la eego xaaladda jirta waxaa Wajeer la mid ah ismaamullada Marsabit, Mandera, Garissa, Kilifi, Tana River, Lamu, Samburu, Kitui, Lamu, Isiolo, iyo Laikipia.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la saadaalinaya in saameynta abaarta ay ka sii darto inta u dhexeysa bishan maanta dhammaadka ah ilaa bisha 11-aad ee sanadkan.