Amniga Magaalada kismaanyo oo aad loo adkeeyay iyo Doorasho ka dhacaysa

0
294

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Manta ka bilaabaneysa doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa degaannada Jubbaland.
Shalay ayaa Guddiga doorashooyinka Jubbaland waxaa ay diiwangeliyeen 8 Xubnood oo ku tartamaya Afar kamid ah kuraasta Aqalka Sare, waxaana kujira Xubno Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa saaka laga dareemayaa qaban qaabada doorashada, waxaana Xubnaha tartamaya ay marka hore khudbaddo ay u jeedi n doonaan Xildhibaannada Jubbaland kadibna ay bilaaban doonto doorashada.
Kulanka lagu dooranayo qaar kamid ah Xldhibaannada Aqalka Sare Ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya guddiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafadka ee Heer Federaal & mas’uuliyiin kale.
Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugida amniga Magalada Kismaayo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.
Sideeda Xubnood ee Maanta ku tartami doona Afarta Kursi ee Xildhibaannada Aqalka ee doorashadooda ka dhici doonto Kismaayo, kuwaas oo shalay qaatay shahaadada musharaxnimo ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Axmed Maxamed Jaamac
2: Xalimo Jaamac Maxamed
Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3: Ilyaas Badal Gaboose
Maxamed Axmed Sayid
Sharmake Maxamed Cabdi
4: Ibrahim Yacquub Ismaacil