Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxaay amaro kala duwan ku soo rogtay Hoteelada ku yaal magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxaan la faray inay amaradaas si deg deg ah u dhaqangaliyaan.
Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, kan degmada Burco iyo guddida wanaag farista Magaalada Burco, ayaa waxaa lagu amray Hoteelada Magaladaasi inan lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo.
Warkaan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 30 ka bishan hoteelada Burco aan lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo, waxana la farayaa hoteelada inay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imaanaya shareecada Islaamka, ayadoo dhaqangalinta amarkaan loo sameeyay Hay’ado dabagal ku Samaynaya.
Amarada kasoo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer iyo kan degmada Burco ee ku socda Hoteelada ayaa waxaa lagu yiri 1-In horumar lagu sheego wax alle iyo rasuul(CSW)inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.-
2-Wadanku waa muslim,islaanimadu qofka waxbay faraysaa waxna waa ka reebaysaa.
3-Dawladu waxay islaanimada ilaalinteeda u samaysay wasaarada diinta iyo awqaafta,dastuur sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii diinta ka soo horjeeda.-
Sidaas darted waxaa la faray dhamaan hoteelada Magaalada burco lagga bilaabo 30.07.2021 inay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imanaya shareecada islaamka.