Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya ASG Lisa Filipetto ayaa shir gudoomiyay kulan Lagu qabtay Aaladda fogaan aragga ah (ZOOM , kaasoo ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaashu ay ku taageerayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dardargalinta ololaha dib -u-dhiska Ciidamada Qalabka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya , Waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigtay Howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay Wasaaradda Difaaca iyo Taliska ciidanka Xoogga dalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo ku aadan Tayeynta iyo Horumarinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.