Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in lala tacaalo qaabka ay u dhaqmayaan siyaasiyiinta wadanka ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga hor tago fal kasta oo wax u dhimi karo xasiloonida guud.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay soo afjaridda colaadda u dhexeysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda ismaamulka Laikipia .