Barasaabka Kitui oo COVID19 laga helay

0
558

Waxaa lagu soo warramayaa in guddoomiyaha ismaamulka Kitui Charity Ngilu xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Nairobi hospital ka dib markii laga helay cudurka Covid-19.
Waxaa sidoo kale qaar ka mid wakiillada golaha hoose ismaamulka Kitui laga cabsi qabaa in iyagana uu cudurka ku dhacay ka dib markii ay tareen ugu safreen magaalada Mombasa islamarkaana halkaasi ay kulan laba cisho ay ku qaateen.
Hoggaanka golaha hoose ee dowlad deegaanka Kitui ayaa haatan ka fiirsanaya in la xiro xaruntaasi .