Maxkamad ku taalla wadanka Tanzania ayaa mid ka mid ah madaxda mucaaradka ee dalkaasi ku soo oogtay dacwad ah inuu ku lug lahaaday falal dambiyeedyo la xiriira argagixisanimo.
Freeman Mbowe ayaa la qabtay maalmo ka hor xilli uu isku diyaarinayay inuu ka qayb galo kulan ku saabsan isbeddel dastuuri ah.
Mas’uulkan iyo 10 eedeysanayaal oo kale ayaa la xiray xilligaas oo laga qabtay magaalada Mwanza.
Hasa ahaate xisbiga Chadema ee ay madaxdan ka tirsan yihiin ayaa madaxweyne Samia Suluhu Xassan ku eedeyay inay sii waddo nidaamkii keli talisnimada ee John Magufuli.