DHAGEYSO:Soomaaliland oo sheegtay inuu maandooriyuhu ammaankooda dhibaato ku hayo

0
363

Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ku dhawaaqday ee Soomaaliland ayaa Sheegeen inuu Maandooriyuhu dhibaato Culus ku hayo deegaanadooda maadaama bulshadu si Xad dhaaf ah u Isticmaalaan.
Marar badan oo hore ayay Ciidamada amaanka Soomaaliland Gacanta ku dhigeen Waxyaabaha Maanka Dooriya iyo dadkii watay kuwaasoo Xabsiyada la dhigay balse wali waxay Soomaaliland Sheegaysa inuu Maandooriyuhu Khatar Weyn ku Yahay Deegaanadeeda.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland Maxamad Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay Dhibaatada Maandooriyaha Khamrigu ku hayo Shacabka halkaasi.
Taliyaha Booliska Soomaalilnad ayaa sheegay in Khamrigu gaaray Guud ahaan deegaanada Soomaaliland Miyi iyo Magaalo Meelo kala duwan laga soo galiyo taasoo noqotay Caqabad ay adagtahay ka hor tageedu ,maadaama dhanka kale Shacabka deegaanada kala duwan ay Qariyaan dadka Soogaliya Khamriga iyo kuwa shaqaystaba.

Dhanka kale Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa hawl-galo ka sameeyay Wadooyinka halbawlaha u ah Magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi.
Taliyaha Ciidamad Booliska Gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa Baaq u diray Bulshada wuxuuna ka codsay inay Booliska gacan ku siiyaan la dagaalanka Waxyaabaha Maaanka Dooriyaha.
Taliyaha ayaa sidoo kale Digniin u diray Gaadiidka Bajaajta oo oo sheegay in inta badan Falal dambiyeedyada loo adeegsado.