Madaxweynaha Madagascar oo ka badbaaday isku day dil iyo lix qof oo loo xiray

0
507

Booliska dalka Madagascar ayaa isbuucan xiray lix qof oo uu ka mid yahay ajnabi kuwaas oo baaritaano ka dib la ogaaday inay qorsheenayeen dil ka dhan ah madaxweeynaha dalkaasi.
Andry Rajoelina ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee wadanka Madagascar sannadkii 2019-kii ka dib isqabqabsi iyo maxkamadayn aad u weyn.
Xeer ilaaliyaha guud ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lixda qof ay qorsheenayeen qaarijinta dad badan oo uu ku jiray madaxweynaha.
Qoraalka ayaa sido kale lagu sheegay in baaritaanadu ay weli socdaan isla markaana ay dhici karto in xoga cusub ay soo baxaan.