Wasiiradda arrimaha dibadda oo la kulantay safiirka Zambia ee Kenya

0
514

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa kulan la qaadatay danjiraha dowladda Zambia ku matasho Kenya MS Kampampa Joyce Kasosa.
Waxay ka wada hadleen dhaqangelinta heshiisyo ay horay u gaareen labada dowladood.
Ambasadoor Omamo ayaa dowladda Zambia uga mahadcelisay taageeradii ay u muujisay Kenya xilli ay tartan ugu jirtay ka mid noqoshaha golaha amniga ee qaramada midoobay.