Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta si rasmi ah ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ugu soo bandhigay agab lagu baaro xanuunka duumada oo ah midkii ugu horreeyay ee lagu sameeyay gudaha wadanka.
Waxaa qalabkan lagu soo saaray barnaamijka cilmi baarista ee machadka KEMRI-Wellcome Trust oo ay iska kaashanayaan machadka dalka ee sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI ,hay’adda Wellcome Trust iyo jaamacadda Oxford.
Mr. Kenyatta oo lagu wareejiyay qaybaha kala duwan ee xaruntaasi ayaa sheegay in Kenya ay ku guulaysatay hal-beegga hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ee ku aaddan soo saaridda daawada duumada.
Waxaa uu sidoo kale halkaasi ku daahfuray barnaamij ay dowladaha Kenya iyo Cuba ka wada shaqeynayaan xakameynta malaariyada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hadda ah guddoomiyaha ururka madaxda Afrika ee la tacaalidda cudurka duumada (ALMA).
Sidoo kale waxaa uu joobjoog ka noqday munaasabad lagu muujinaya sida iyadoo la adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo buufin karo meelaha ay ku taranto kaneecada.
Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa maalin kasta buufin karto dhul dhan 150 eekar oo hadii qaabka caadiga ah la adeegsado ay qaadanayso 10 cisho sida lagu xusay qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in sanadka 2030-ka xanuunka duumada ama malaariyada laga cirib tiro qaaradda Afrika .
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu dugsiga Kasidi ee degmada Rabai ee ismaamulka Kilifi uu ku qaybiyo sabar loogooyin.
Mr. Kenyatta oo ka hadlayay faa’iidada ay leedahay in qofka uu haysto dokumeenti muujinaya inuu yahay mulkiilaha dhulka uu deggan yahay ayaa yiri.
Barasaabka Kilifi Amason Kingi ayaa sheegay in muddo 50 sano ah deegaanadaasi laga bixiyay sabar loogooyin gaaraya 52 ,000 balse tan iyo sanadkii 2013-kii ay helaan 100,000 oo ah warqadaha muujinaya mulkiilayaasha dhulalka.Barasaabka Kilifi