Xisbiga Kanu oo sheegay inuu ka bixi doonin isbahaysiga Jubilee

0
374

Xisbiga uu hogaamiyo Gideon Moi ee Kanu ayaan qorsheyneyn inuu ka baxo isbaheysiga uu la leeyahay Jubilee, sidaasi waxaa sheegay xoghayaha guud ee Kanu Nick Salat.
Mr Salat ayaa xusay in heshiiskii Kanu uu la galay isbahaysiga uu hoggaamiyo madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta lagu ansaxiyay shirka wadatashiga qaran iyo in qorshe kasta oo looga baxayo ay tahay in lagu midoobo.
Hadalka Mr Salat ayaa ku soo aadayaa maalin un ka dib markii xubno ka tirsan One Kenya Alliance, oo Kanu xubin ka tahay, ay ku dhawaaqeen in xisbiga madaxa banaan ay tahay inuu ka baxo isbahaysiga uu la leeyahay Jubilee ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin isbahaysigaasi.
Sida uu qabo sharciga dalkani Kenya, ma jiro xisbi ka mid noqon kara laba isbaheysi ama ka badan.