Dhimashada oo sare u kacday ka dib booyad dhawaan ku qaraxday wadada u dhaxaysa Kisumu iyo Busia

0
394

Laba qof oo kale ayaa u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay qaraxii booyada shidaalka ee habeenkii Sabtida ka dhacay wadada u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Busia .
Barasaabka ismamaulka Siaya Cornel Rasanga ayaa sheegay in labadaas qof ay ku dhinteen isbitaal ku yaala dowlad deegaanka Siaya ka dib markii halkaas loo soo gudbiyay.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in 20 qof oo ku dhaawacmay shilka boyada la dhigay isbitaalka Siaya halka 5 qof oo kalena lagu dabiibaya isbitaalka magaalada Yala.
Waxaa uu mr Rasanga sheegay in dadkii ku nafwaayay dhacdadaas lagu wado baaritaanka DNA-da si ay u u aqoonsadaan eheladooda.
Waxaa uuna intaas ku daray dhibanayaasha ku jiro isbitaalada ay dowladda dusha saaran doonto daaweyndooda.
Dadka ku dhintay shilka booyada ayaa isku dayayay inay shidaal ka helaan baabuurka oo gadoomay ugu dambeyna dab ka kacay.