Cali Guudlaawe oo lagu soo dhoweeyay degmada Cadale

0
463

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta safar dhinaca dhulka ku gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Cali Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano ka mid ah Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana Cadale ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay sida wararku sheegayaan mid la xiriira dhagax dhigista Mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono degmada Cadale.
Sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka degmada Cadale iyo qeybaha kala duwan, isagoo kala hadla doona xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha ka jira degmadaas ee u baahan in wax la qabto.
Ammaanka guud ee degmada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle.