Booliska Nigeria oo soo badbaadiyay 100 qof oo la afduubtay

0
306

Ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria ayaa soo badbaadiyay ilaa 100 oo qaab afduub ah lagu haystay.
Waxaa dadkan ka mid ah carruur iyo hooyooyin qaarkood ay dhallaan nuujinayaan.
Hal bil ka hor ayay ahayd markii laga kaxeystay tuulo ay ku nool yihiin oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Nigeria.
Howlgalka lagu soo samata bixiyay waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeen u hadlay booliska dalkaasi.