Shil maanta ka dhacay degmada Mlolongo ee ismaamulka Machakos ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo degmadaasi Dennis Ongaga ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in afarta qof ay ku dhinteen isla goobta kadib markii baabuur ah nooca mataatuuda oo ay saarnaayeen uu ku dhacay mid ka mid ah kuwa xamuulka oo la dhigay ka soo horjeedka kaalin shidaal.
Mataatuuda ama gaadiidka dadweynaha ee shilka galay waxaa leh shirkadda baabuurta ee MAPRA
Dhaawac dhowr ah ayaa lagu daweeynaya isbitaallada kala duwan ee ismaamulka Machakos.