DHAGEYSO:William Ruto oo Raila Odinga ku eedeyay inuu carqaladeynayo qorshaha horumarineed ee Jubilee

0
622

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto aya madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ku eedeyay inuu caqabad ku noqday fulinta qorshayaashii horumarineed ee xisbiga Jubilee.
Xilli uu la hadlayay shacabka ku nool xaafadaha Waithaka iyo Kabiria ee Koonfurta deegaanka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ayuu Ruto hoosta ka xarriiqay in cidii doonaysa inay wax ka ogaato waxqabadka Jubilee ay tahay in ay weydiiso madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka u sheegay in uu Mr. Kenyatta kula xisaabtamo dhaliisha uu Jubilee u jeediyay ee ah inaynan ka soo bixin ballanqaadyadii xilligii ololihii doorashada.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan munaasab ahayn in sida uu hadalka u dhigay Raila uu isku soo baxyada siyaasadeed ka jeediyo hadallo uu ku dhaliilayo waxqabadka Jubilee isagoo si toos ah madaxweynaha wax uga weydiin karo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Mr. uu qorshayaashii dowladda u weeciyay dhanka sharci beddelka oo uu ku tilmaamay in wakhti xaadirkan aynan ahayn arrin mudnaanta koowaad la siin karo.