Madaxtooyada dalka oo ka hadashay dayactirka warshadda dharka ee Rivatex

0
606

Madaxtooyada dalka ee State House ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in tallaabada ay dowladda dhexe dib ugu dayactirtay shirkadda dharka soo saarto ee RIVATEX ee ismaamulka Uasin Gishu ay horseedi doonto fursado shaqo.
Tani ayaa qayb ka ah qorshayaasha horumarineed ee dowladda gaar ahaan sare u qaadidda wax soo saarka.
Waxaa qoraalka ku cad in hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu hormuud ka yahay dadaalka lagu garab istaagayo wax soo saarka Kenya isagoo iibsanaya dhar gudaha wadanka lagu sameeyay.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xusay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay maalgelinta shirkadaha yaryar ee ganacsiga si ay kaalin kaga qaataan kobaca dhaqaale ee dalka.