AKHRISO:Habraaca tartanka doorashada aqalka sare ee lagu dhawaaqay

0
506

Habraac doorashada Xubnaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa la soo saaray ayadoo Qorshuhu yahay in 25 Bishaan la guda Galo Doorashada aqalka Sare ee Bilowga Toddobaadka soo socda.
Waxaa la soo bandhigay Sharuudaha laga doonayo qofkasta oo u tartamaya Aqalka Sare ee Soomaaliya,warqada Anshaxa iyo musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare iyo Akoono Bangiyo oo lagu shubayo lacagaha Khidmada ah ee laga doonayo Xubnaha Musharraxiinta Aqalka Sare lacagtaas oo Gaaraysa 20 kun oo Dollarka Maraykanka ah.
Qoraal ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee Heer Federaal ayaa lagu sheegay inay Guddigu la wadaagayaan Codsi Qoraal oo Madaxda Maamul Goboleedyadu u soo direen oo ku saabsan Xubna isku soo Sharraxaya aqalka Sare ee Soomaaliya, inay noqon karaan ugu yaraan labo qof oo Kursigaas u tartamaysa si waafaqsan sharuudaha Musharaxnimo ee aqalka Sare.
Sidoo kale guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Qoraalkooda ku sheegay inay hadda Qabanayaan Waraaqaha Musharraxiinta aqalka Sare ayadoo Hubinta sharuudaha Musharraxiintana la isla eegi doono oo dib loo hubin doono Matalaada Aqoondada Haweenka ee 30 boqolkiiba inay qayb ka tahay.
Sida lagu shaaciyay qoraalka Guddiga doorashooyinka Sharuudaha laga doonayo Musharraxinta aqalka Sare waxaa ka mid ah inuu yahay Muwaadin Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, inuu dhimirkiisu Caafimaad qabo inaysan da’diisu ka yarayn 25 sano jir, inaan Xaquuqdiisa Muwaadinimo go’aan Maxkamadeed laga gaarin shantii sano ee ugu dambaysay, inuu leeyahay aqoon Dugsi sare ama Waayo aragnimo u dhigantah,inuusan ka tirsanayn ama wax Xiriir ah la lahayn Kooxaha argagixisada ah, inuu haysto warqada dambi la’aanta ee hay’ada Danbibaarista CID,tan Maamul goboleedka iyo tan Federaalka.
Musharrax kasta oo u tartamaya aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu bixiyaa Lacagta Diiwaangalinta kuna shubaa Xisaabaadka Bangiga Guddiga Doorashooyinka qaranka lacagtaas oo 20kun ah.
Lacagta Msharraxiinta u tartamaya aqalka Saree e Soomaaliya ayaa la qoondeeyay inay 20kun oo dollar noqoto halka tan Musharaxiinta Golaha shacabka ay noqonayso 10kun oo dollar.
Lacagta Diiwaangalinta Musharraxiinta dib looma Celin doono mar hadii lagu soo shubo akoonka Gudiga doorashooyinka Qaranka.
Habraacaan la shaaciyay ayaa ku soo aadayaa ayadoo guddiga doorashooyinka Soomaaliya ay horay u sheegeen inay Fulin doonaan Jadwalkii doorashada la soo saaray ee ku saabsan in ugu horayn2 5 bishaan la doorto Xubnaha aqalka Saree er Baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed taasoo ka dhacaysa Xarumaha Maamul Goboleedyada.