DHAGEYSO:Sida looga ciiday Ismaamullada waqooyi bari, Nairobi iyo Mombasa oo ka mid ah meelaha sida wayn looga ciiday maanta

0
481

Waxaa dunida islaamka maanta looga dabaal degayaa munaasabadda ciidul adxaa.
Shacabka ku nool deegaanka Dadaab iyo guud ahaan xeryaha qaxootiga ayaa loogu baaqay in ay nabadda ku dadalaan iyadoo dowladda loo jeediyay inay u gargaarto dadweynaha ay saameynta ku yeelatay abaarta.
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa qodobkan oo faahfaahsan ka soo diray Dadaab

Dadweynaha Mandera waxaa loogu baaqay inay ka gudbaan dagaal beeleedyada oo aynan garab siin cid kasta oo arrimahan ku lug leh sida uu ku soo warramayo Maxamuud Maxamad Sheekh Lafagari

In kastoo Garissa ay ka mid tahay meelaha laga ciidaya haddana waxaa marka loo barbardhigo ciidii hore hooseeya taxaddarka dadweynaha ee la xiriira halista cudurka COVID19.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Garissa Cabdisamad Muxumad Cabdi ayaa goor sii horreysay arrintan uga warramay Mowlid Maxamad Shuuriye

Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha maanta ku ciiday magaalada Wajeer ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star

Sida maanta looga ciiday xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi iyo dareenka farxadeed ee shacabka waxaa warbixintan ku eegaya wakiil wareedka Star FM ee caasimadda dalka Yuusuf Gaas

Dhanka gobolka xeebta gaar ahaan ismaamulka Mombasa sidee looga ciidayaa?
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee xeebta dalka Maxamad Cabdi Bootaan ayaa dhameystiraya