DHAGEYSO:Xasan Sheekh “Waxaan ku baaqayaa in wixii lagu heshiiyay la fuliyo”

0
423

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guud ahaan ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay is cafiyaan oo danyarta garab istaag loo muujiyo.
Waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu haatan marayo meel xasaasi ah, balse kaliya looga gudbi karo in la is cafiyo, isla markaana wixii lagu heshiiyay si dhameystiran loo fuliyo.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in caalamka xilligaan uu diyaar u yahay in uu gacan ka gaysto sidii Soomaaliya looga soo dhisi lahaa maamul dowladeed oo adag sidaas awgeedna ay tahay in la kaashado.