Nin qirtay inuu kufsaday shan gabdho oo da’yar kaddibna dilay oo gacanta lagu dhigay

0
611

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay nin qirtay in uu faraxumeeyey shan gabdho da’yar ah kaddibna dilay.
Waxaa uu falalkan gaystay intii u dhaxeysay dabayaaqadii sanadkii 2019-ka iyo bartamihii bishii hore ee sanadkan.
Bayaan ay soo saartay waaxda DCI-da ayaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Evans juma uu dhacdooyinkan ka fuliyay galbeedka magaalada Eldoret ee Ismaamulka Uasin Gishu muddadaasi.
Sanadkii 2018-kii ayaa sidoo kale la xiray ka dib markii uu xilligaasi kufsaday labo gabdhood oo yar yar inkasto oo maxakamadda ay markii dambe damiin lacageed ku sii daysay .