Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay dalka India gaar ahaan magaalada Mumbai ka dib dhul go’o ka dhashay roobab xooggan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 30 ruux.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay burbureen guriyaha labo ka mid ah xaafadaha magaladaasi.