Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa si ku meel gaar ah u joojiyay tirinta codadkii ay dhiibteen dadweynaha deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambuu oo doorasho ku celis ah ka qayb galay.
IEBC ayaa go’aankeeda ku saleysay inuu qalalaase ka dhashay cabasho ka timid musharaxii Jubilee Kariri Njama iyo taagerayaashiisa.
Waxay walaac ka muujiyeen inuu jiro qorsho la doonayo in loola safto Njuguna Wanjiku oo la tartamaya kana tirsan xisbiga UDA.
Hasa ahaate guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa arrinkan gaashaanka u daruuray.