Musharaxii Jubilee oo ku guulaystay doorashadii ku celiska ee deegaanka hoose ee Muguga

0
430

Natiijada ka soo baxday doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaanka hoose ee Muguga ee ismaamulka Kiambu ayaa waxaa ku guulaystay Githinji Mung’ara oo matalayay xisbiga talada haya ee Jubilee.
Tartanka ayaa ahaa mid aad u adag wuxuuna ka dhexeyay ilaa afar musharax.
Mr. Githinji ayaa helay codad dhan 4,089 halka Kamau Thumbi oo ka tirsan xisbiga UDA uu soo hooyay 4,062 oo codad ah.
Sarkaalka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC u qaabilsana maareynta doorashadan Evans Githinji ayaa sheegay in codeyntu ay ka dhacday 29 xarumood.
Deegaanka hoose ee Muguga waxaa iska diiwaangeliyay 18,374 codbixiyayaal ah.