Dhimashada dabkii ka kacay Ciraaq oo korortay

0
325

Waxaa sare u kacday dhimashada ka dhalatay dab xoogan oo maanta ka kacay mid ka mid ah goobaha gaarka ah ee lagu daryeelo shakhsiyaadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Dhacdan ayaa waxaa ku nafwaysay ugu yaraan 64 qof
Waxaana dhaawacmay in ka badan 100 qof.
Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Koonfureed ee Nassiriya
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in dabku uu ka dhashay agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada oo qarxay.
Waxaa sii kodrhi karta tirada dadka ku geeriyooday dabka .