Madaxa ururka qareenada ee LSK oo damiin lacageed lagu sii daayay

0
358

Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Nelson Havi oo la xiray maanta ayaa lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 10,000 oo shiilinka dalka ah .
Mr Havi ayaa maanta laga qabtay xafiiskiisa.
Waxaana su’aalo lagu weydiyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Mas’uulkan ayaa loo qabtay eedeyn ah inuu ku xadgudbay madaxa fulinta ee ururka LSK Mercy Wambua ka dib markii ay isku khilafeen kulan lagu waday inuu qabsoomo.