22 qof oo dheeraad ah ayaa ku dhimatay rabshahadaha ka socda dalka Koonfur Afrika, sida maanta uu sheegay sarkaal maxali ah.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 32.
Dhimashada gobolka KwaZulu-Natal ayaa hadda maraysa 26, maalin un kadib markii saraakiisha ay xaqiijiyeen in lix qof ay ku dhinteen gobolka Gauteng.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa Isniinta ciidamo geeyay si ay uga caawiyaan booliska joojinta rabshadaha iyo bililiqada ka dhalatay xariga madaxweynihii hore Jacob Zuma.
Koonfur-bari KwaZulu-Nata, gobolka uu ka soo jeedo Zuma – ayaa ah xudunta rabshadaha.