Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay guddiga amniga doorashooyinka dalkaasi

0
345

Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Taliyaha Booliska Soomaaliya abdi Xasan Maxamed Xijaar uu sheegay in looga hadlay sidii si midnimo ah, isku aragti ah iyo isku duubnaan looga wada qeyb qaadan lahaa in doorashada ku dhacdo si amni ah.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in kulanka oo ay u dhanaayeen dhamaan 9-ka Xubnood ee Guddiga amniga doorashooyinkani la isku raacay in doorashada ay ku dhacdo s waqtigeeda iyo si huufan oo amni ah.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulanka shir guddoominayay ayaa faray xubnaha guddiga inay si hufan oo cadaalad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo oo ah sugida amniga doorashooyinka.