Booliska Ciraaq oo war ka soo saaray khasaaraha dab la soo tabiyay

0
449

Ciidamada booliska ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 ruux ay ku dhinteen dab ka kacay mid ka mid ah goobaha gaarka ah ee lagu daryeelo shakhsiyaadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Waxaa dhaawacmay in ka badan 67 qof.
Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Koonfureed ee Nassiriya
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in dabku uu ka dhashay agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada oo qarxay.
Tirada dadka dhintay ayaa horay lagu sheegay 52 hasa ahaate dib u eegis ayaa lagu sameeyay.