WHO oo ka digtay in la isku daro dawooyinka COVID-19

0
470

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin ku aaddan in aan la isku darin dawooyinka tallaalka ee lagula tacaalaya cudurka COVID19.
Soumya Swaminathan oo ah madaxa saayaansiyahaanada hay’addan ayaa sheegtay in arrintan ay tahay mid khatar ah.
Waxay u aaneysay in ilaa iyo hadda aan xog badan laga hayn saameynta caafimaad ee ka dhalan karto.
Digniintan ayay ka sheegtay shir online ah oo ay WHO qabatay.