In ka badan 50 qof oo ku dhimatay dab laga soo tabiyay Ciraaq

0
372

Ugu yaraan 52 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dalka Ciraaq kadib dab xooggan oo galinkii dambe ee shalay qabsaday goob gaar ah oo lagu daryeelo dadka uu soo ritay cudurka COVID19.
Waa dhacdadii labaad ee wadankaasi saameysay muddo saddex bilood gudahood ah.
Dabka ayaa ka kacay isbitaalka loo yaqaano Al-Xussein ee ku yaalla magaalada koonfureed ee Nasiriya hasa ahaate ugu dambeyn waa la demiyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada oo qarxay.
Afhayeenka waaxda caafimaadka ee magaladaasi Haydar al-Zamili ayaa sheegay in 22 qof oo dheeraad ah ay dhaawacyo soo gaareen.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa sidoo kale xaalad degdeg ah kaga dhawaaqay gobolka Dhi Qar oo ay ku taallo magaalada Nasiriya .
Wadanka Ciraaq waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 1.4 milyan oo ah xaaladaha caabuqa corona halka ugu yaraan 17,000 qof ay cudurka halkaasi ugu dhinteen.