DHAGEYSO:Gabdho kamid noqonaya booliska Haramcad oo Turkiga tababar loogu qaaday

0
441

Waxaa Galinkii dambe ee shalay Diyaarad Gaar ah ka qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Cutubkii ugu horreeyay ee Gabdho Soomaaliyeed oo Qaba tababarada gaarka ah ee Ciidamada Haramcad kuwaasoo loo diray dalka Turkiga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in gabdhahaan lagu soo Xushay aqoon iyo karti dheeraad ah.
Waxaa uuna rajo wanaagsan ka Muujiyay inay ka dib marka ay soo dhameystaan tababarkooda wax badan ku soo Kordhin doonaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Haramacad oo ay ka Tirsan yihiin.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Genraal Sakiya Xuseen ayaa gabdhaan kula dardaarantay inay ilaaliyaan Sharafta iyo Magaca dalkooda Hooyo.