Rw Rooble oo dib ugu laabtay Muqdisho

0
362

Ra’iisul Wasaare xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubbaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.
Shalay xilli uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in uu dhawaan dhamaan tegi doono degaannada dowlad Goboleedyada ee lagu qabanayo doorashooyinka.