Taliska guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dadka kunool deegaanada xeebaha Somaliland, kaasoo la xiriira dhoofinta duurjoogta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay mamnuuc tahay in dadka kunool deegaanada xeebaha ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta xeywaanaadka duurjoogta iyo keenista waxyaabaha kootarabanka ah sida hubka, iyagoona sheegay in ciddii falkaas lagu qabta sharciga la soo taagi doono
War-saxaafadeedka Taliska Ciidanka Soomaaliland ayaa waxaa lagu xusay in tallaado adeg laga qaadi doono qof kasta oo shacab ah ama ajaanib ah ee lagu arko dhoofinta duurjoogta iyo keenista hubka sharci darada ah.
Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa waxaa uu dhammaan taliyayaasha saldhigyada iyo barada hoosyimaada faray inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha Diginiinta laga soo saaray.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Wuxuu tababar ku saabsan Laylis ciidan u soo Xiray shan Boqol oo ka mid ah dhalinyaro isku diiwaan galiyay ku biiritaanka Ciidamada Amaanka Soomaaliland.
Dhalinyaradaan ayaa Qayb ka ah Carbiska Shaqo qaran kuwaasoo noqonaya dufcaddii saddexaad ee dhammaysa Tababarada ku saabsan Barnaamijka Shaqo Qaran.
Ilaa sadex kun oo dhalinyaro ah ayaa ka aflaxay ololaha Shaqo-Qaran wuxuuna ka mid yahay barnaamijyada uu bilaabay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi intii uu xukunka hayay.
Wali wararka ku saabsan Soomaaliland ayaa ku guda jirnaaye Xildhibaan Axmed Timo-Jilic oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa ka hadlay cida ay rajaynayaan inay u doortaan gudoonka golaha Wakiilada Soomaaliland.
Xildhibaan Axmed Timo-Jilic ayaa sheegay inay dhamaan Xildhibaanada Mucaaradku ka midaysan yihiin inay Guddoonka Golaha Wakiillada u doortaan Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo uu sheegay inay Wax qabadkiisa ku qanacsan yihiin.