DHAGEYSO:Raila oo sheegay in musuqmaasuqa uu la mid yahay kansarka

0
472

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo wareysi gaar ah siiyay idaacadaha maxalliga ee kala ah Mulembe, Sulwe iyo Vuuka FM ayaa wax laga weydiiyay hadal uu maalmo ka hor jeediyay oo ku saabsanaa in hadii uu sanadka soo socdo ee 2022-ka ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka uu xabsiga u taxaabi doono mas’uuliyiinta ku lug leh falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu sheegay sida uu hadalka u dhigay in musuqmaasuqa ka jiro gudaha dalka uu gaaray heer dhaqaalihii wadanka hoos u dhigay.
Mr. Odinga ayaa xusay in hadalkii uu ka jeediyay Mombasa ka dib uu helay farriimo badan oo qaarkood looga dalbanaya inuusan ka hadlin lunsashada kheyraadka dadweynaha.

Waxaa uu sidoo kale muujiyay dareenkiisa ku aaddan jawaabtii uu bixiyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo dad badan ay u fasirteen mid ku wajahnayd Raila.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in wadamo badan ay cirib tireen musuqmaasuqa ka dib markii ay u aqoonsadeen inuu la mid yahay cudurka kansarka sidaas awgeedna ay khasab tahay in la dabar gooyo.
Raila ayaa tilmaamay in sifeynta ka dhanka ah musuqa ay wadamadan oo uunan magacyadoodu shaacin ka soo billaabeen heerka ugu sarreyaa.
Waxaa uu intaasi raaciyay in aynan wado furan ahayn in laga aamuso dhacdooyinkan.
Raila Odinga ayaa ku taliyay in la meel ah looga soo wada jeesto oo laga hor tago falalka dadka lunsado hantida dalka oo uu sheegay inay doonayaan inaan laga hadlin waxyaabaha ay sameynayaan.