Daraasaad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadweynaha ku nool wadanka Braziil ay intooda badan taageersan yihiin qorsho la doonayo in xilka looga xayuubiyo madaxweynaha wadankaasi Jair Bolsonaro.
Cilmi baarista oo ay sameysay shirkadda Datafolha ayaa tilmaamaysa in boqolkiiba 54 ee dadweynaha ay la dhacsan yihiin mooshinka xilka qaadista Bolsonaro ee uu wado aqalka hoose halka 42 boqolkiiba ay arrinkaasi ka soo horjeedaan.
Mas’uulkan ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan musuqmaasuqa.
Waxaa sidoo kale cadaadis xooggan lagu saaraya qaabka maamulkiisa uu ula tacaalaya caabuqa corona oo ay u muuqato in aan lagu qanacsanayn.