Dowladda oo baaritaano dhanka hanti dhowrka ah ku sameyn doonto shirkadaha

0
376

Wasiirka wasaaradda beeraha , kallumeysiga iyo iskaashatada ee dalka Peter Munya ayaa sheegay in baaritaano la xiriira hanti dhowrka lagu sameyn doono shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee macaamiishu ay ku keydsadaan lacagaha.
Waxaa uu xusay in tallaabadan looga hor tagaya falalka lagu khiyaano maalgashatada.
Wasiirka ayaa u digay maamulayaasha shirkadaha loo yaqaano SACCOs ee aan u hoggaansamin xeerarka u degsan .
Munya ayaa amarkan bixiyay xilli uu oggolaansho shaqo siiyay 25 ka mid ah iskaashatadan.