Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo guddoomiyay shir ku saabsan maaliyadda

0
344

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta waaxyaha dowladda dhexe.
Waxaa shirka diiradda lagu saaray dib u eegista xeerarka maaliyadda iyo barnaamijyada mudnaanta koowaad la siinaya miisaaniyad sanadeedkan 2021/2022-ka.
Dr. Kibicho ayaa xusay in faahfaahin laga siiyay horumarrada ay ku tallaabsadeen waaxyaha hoos tago wasaaradaha dowladda.
Waxaa uu qorshuhu yahay in baarlamaanka loo gudbiyo warbixinnada ku saabsan waxqabadka wasaaradaha dalka.