Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada Fedraalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo wafdi kale oo la socday ayaa Soomaaliya ku matalay Kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Farsamada Qiimaynta Barnaamijka Amniga dalalka IGAD ee Halista Qaraxyada Heer Gobobol kulankaas oo ka dhacay Magaalada Adisabab ee Caasimada dalka Ethopia (First Technical Committee Meeting of the IGAD SSP IED Threat Assessment).
Waxaa kulanka 1aad lagu qiimeeyay sida Saamayn qaraxyada kooxaha loogu yeero argagaxisada ka gaystaan dalalka IGAD iyo sida ay u saamaynayaan dalalka IGAD, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya iyo kuwo kale.
Kulanka Farsamo 1aad waxaa shir-guddoomiye madaxa Barnaamijka Amniga IGAD (IGAD SSP) G/Sare Abebe Muluneh Beyene waxaana la iskula qorsheeyay sidii xal loogu Heli lahaa Qaraxyada wadamada IGAD Saamaynta ku yeeshay.
Dalalka kulanka ka qayb-galay ayaa kala ah Soomaaliya, Uganda, Kenya, Suudaan, Konfuurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana ka baaqday wadanka Jabuuti oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.