Guddiga EACC oo ka warbixiyay lacago la dhacay oo uu dib u soo celiyay

0
324

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in 2015 ilaa 2020-kii uu dib u soo helay hanti dhan 25 bilyan oo shilin taasoo horay loo lunsaday.
Guddiga ayaa intaa ku daray inuu soo gabagabeeyay baaritaanada oo uuna talooyin u gudbiyay waaxda dacwad soo oogidda wadanka.
Baaritaanada ayaa la xiriira ilaa 890 warbixin oo ku aaddan falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
EACC ayaa kiisaska musuqmaasuqa ee la soo gabagabeeyay ku sheegtay 273 oo 168 ka mid ah dadka ku lugta lahaa una dhiganta boqolkiiba 62 lagu helay dembiyo.