Isku shaandheyn lagu sameeyay wasiirrada India

0
248

Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirrada .
Waxaa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday 12 ahaa wasirro sare.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu soo magacaabay mas’uuliyiin da’yar ah oo lagu raja wayn yahay inay wax ka beddelaan maamulka dalkaasi.
Mr.Modi ayaa wasiirro cusub u soo magacaabay wasaaradaha caafimaadka ,isgaarsiinta iyo shidaalka.
Mansukh Laxman Mandaviya ayaa laga dhigay wasiirka caafimaadka ee India saacado un ka dib markii Harsh Vardhan laga dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 gudaha wadanka India ay kor u dhaaftay 400,000 .