Aqalka sare oo doonaya in meesha laga saaro hannaanka maaliyadda ee IFMIS

0
278

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro nidaamka casriga ee lagu maareeyo macluumaadka adeegyada dhaqaalaha ee ismaamullada iyo dowladda dhexe(IFMIS).
Guddiga ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu kulamo la qaatay waaxyaha kala duwan ee adeegsado hannaankan.
Xildhibaanada ayaa sheegay in kastoo 10 sano ka hor ballaayiin shilin lagu qarash geliyay soo dhisidda nidaamkan haddana in weli lacagaha dadweynaha laga dhacaya hay’adaha dowladda.
Shirarka waxaa ka qayb galay madaxa bangiga dhexe ee CBK Patrick Njoroge, hanti dhowraha qaranka Nancy Gathungu,maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakango iyo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee (CoG) oo uu matalayay guddoomiyaha dowlad deegaanka Laikipia Nderitu Mureithi.
Dhinacyada kala duwan ayaa guddiga maaliyadda ee aqalka senate-ka la wadaagay caqabadaha ay ku qabaan adeegsiga IFMIS.
Hanti dhowraha guud ee Kenya Nancy Gathungu ayaa dhankeeda sheegtay in loo baahan yahay in la xalliyo cilladaha haysta nidaamka IFMIS iyadoo eedeyn u jeedisay saraakiisha gacanta ku hayo.
Golaha barasaabyada wadanka ee CoG ayaa xusay in aynan muhiim ahayn in wasaaradda maaliyadda si si gaar ah isku leheysiiso hannaankan.
Senatarrada ayaa su’aal geliyay qaabka iyo xilliga la dhaqangelin doono talooyin loo jeediyay wasaaradda maaliyadda ee dalka oo ku aaddan wanaajinta adeegga IFMIS.
Guddoomiyaha guddigan Charles Kibiru ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo qaabab looga hor tagaya lunsashada lacagaha dadweynaha iyadoo loo maraya nidaam dowladeed.