23 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Eritiriya kuwaasoo lagu eedeyay in ay Kenya ku joogaan si sharci darro ah ayaa xabsiga ku sii jiri doono.
Tani ayaa timid ka dib markii aynan u suuragelin in lagu siidaayo damiin lacageed maadaama la waayay qof uga turjumo geeddisocodka maxkamadda.
Eedeysanayaasha ayaa Talaadadii laga soo qabtay wadada Opiroi-Maralal ee ismaamulka Samburu xilligaasi oo ciidamada ammaanka ay sheegen in loo waday meel aan la garanayn.
Garsoore John Tamar ayaa saraakiisha ammaanka u oggolaaday inay tuhmanayaasha xabsiga ku sii hayaan ila iyo inta laga helaya qof yaqaano luuqadaha Ingiriiska iyo Sawaaxiliga uu u sharraxo dacwadda loo haysto in go’aanka ay maxkamaddu soo saarto.
Waxay hadda ku jiraan saldhigga booliska ee degmada Maralal ee ismaamulka Samburu.
Taliyaha booliska ee bartamaha Samburu Alex Rotich ayaa sheegay in dhammaan 23-ka qof ay hal baabuur ah saarnaayeen.